Wednesday, July 7, 2010

Xuska 1 lulyo oo kadhacday xalay safaaradda somalia ee dalka libya

Xaflad balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada somalida iyo qurba joogta somaliyeed ayaa lagu qabtay xalay safaaradda soomaaliya ee dalka libya, xafladaas oo ay kaso qeybgaleen marti sharaf aad u balaaran,

halkaas oo lagu soo bandhigay muuqaal aad u sareeya iyado ay dadka qaarkood ay ku labisnaayeen calanka somalia isla markaana ay kuso bandhigeen heesaha calanka iyo ciyaaro hidaha iyo dhaqanka somaliyeed ah,

xafladan oo ay kahadleen madax kala duwan sida gudoomiyaha jaaliyada (cali daa'uus ) iyo safiirka soomaalida u fadhiya dalka libya ( c/qani max'ed wacays ) ayaa intuba kasoo jeediyeen ereyo qiiro leh oo kusaabsan xoriyadda iyo qiimaha ay leedahay iyo maalinta calanka soomaaliya lasuray ee kowda lulyo, safiirka oo hadalkisa kusii dheeraaday ayu kuso qaatay libya in ay tahay wadanki ugu horeeye ee qaxooti soomaaliyeed aqbala.

Ugu dambeyntii ayaa xafladu kusoo gabagabowday jawi ay farxad iyo firfircooni kamuuqato

Wednesday, May 12, 2010

wafdi kasocday odayaasha degmada baargaal iyo maamulka oo kulan laqaatay cidimada yurub ee xeebaha somalia

Wafdigan oo kakoobnaa 9 xubnood oo isugu jira maamulka degmada baargaal iyo nabadoono, isimo, iyo ganacsato reer baargaal ah ayaa kulan kula yeeshay markab taagnaa badweynta degmada baargaal markabkaas oo lagu magcaabo (sirocco f573) sarkaal katirsan cidamada yurub ee kaqaybqaadanaya hawlgalka ladagaalanka burcad badeeda somalida.

Waxaana wafdiga sidoo kale kamid ahaa taliyaha ciidanka degmada Maxamed aadan cali
kulankaas oo saacadao qaatay ayay ahaayeen saraakiisha ugu saraysa ciidamadaas kuwo u dhashay dalka talyaaniga.

Kulankaas oo arimo kala duwan looga hadlay aya waxa sul u ahaa wixii lasoo hadal qaaday fikirka ay dadka deegaanku kahaysteen markabka jooga xeebaha somalia,
sababta keentay burcad badeeda iyo sida waxlooga qaban karo,

waxa kaloo ay odayaasha deegaanku lasoo hadal qaadeen saraakiishaasi maraakiibta sunta ku aasa badda somalia iyo kuwa jiriifa khayraadka.

Ugu dambeyntii waxay isku raaceen wafdigii halkaas tagay iyo saraakiishii kasocotay midowga yurub ee kaqaybqaadanayey ladagaalanka burcad badeeda somalida si wada jir ah uga wada shaqeeyaan soo afjarida burcad badeeda.

Sunday, May 9, 2010

Chelsea oo hanatay koobka primier shipka mudo saddex sana ah kadib


Kooxda chelsea ayaa galabta hanatay koobka
primier shipka kadib markii ay dharbaaxo culus
kudhufatay naadiga wigan athletic oo ay wada
cayaareen kagana badisay 8-0
cayaartaas oo kadhacday garoonka weyn ee
stamford bridge.


Iyada oo naadiga man.unated uu sugayey guul
darada chelsea rajana ay ka qabeen hanashada
koob ayaa ku noqotay lama filaan weliba score ka
ay chelsea kaga badisay naadiga wigan athletic
halkaasna ay kuqaaday chelsea koobka primier
shipka.

Saturday, May 8, 2010

Roobab ka da'ay magaalada qardho oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh

Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imanaya xarunta gobolka karkaar ayaa sheegaya in magaalada qardho shalay ilaa xalay uu kada'ayey roobab mahiigaan ah oo si weyn u biyo dhigay, isla markaana gaystay khasaaro isugu jirta naf iyo maalba,

sida ay noo xaqiijiyeen wariyaasha noo fadhiya xarunta g/karkaar in roobabkaasi ay sababeen dhimashada labo haweena oo sida lasheegay da' ahaa isla markaana degenaa xaafad ka mid ah oo lagu magcaabo shimbiraale ee deg. Qardho,

sidoo kale waxaa dhaawacyo kasoo gaareen jajab lugaha qaar kamid ah dadka xaafadaasi degen.

Waxaana saaka magaalada dhex fadhiya biyo aad u fara badan oo uu dhigay roobkii shalay ilaa xalay da'ay, togga weyn ee magaalada qardho ayaa isagana keeney aad usoo rogmaday, iyadoo sidoo kale laga sheegayo deegaanada miiga ah roobab caynkaasa,
si kastaba ha ahaatee marka lagasoo tago khasaaraha nafta ah ayaa hadana waxa jira khasaare kale oo soogaaray guryaha magaalada qardho siiba kuwa ay degenyihiin dadka iyagu tabaalaysan ee kasoo barakacay koonfurta soomaaliya.





Maxamuud bile siciid

qoryacad.blogspot.com

Friday, May 7, 2010

dhalinyarada somaliyeed libya sidee ugu noolyihiin? maxayse kala kulmaan

Sida lawada ogsoonyahay libya waxay kamid tahay wadooyinka tahriibayaashu ay ugu gudbaan wadamada reer urub,
hadaba sanadadii ugu dambeeyey ee 2009 iyo 2010 ayaa waxa lasoo gudboonaatay somalida xaalado aad u adag oo kaxayirtay safaradii badda iyada oo awalba ahayd khatar kunasiibso ah .

Kadib markii uu batay dhaca iyo boobka loo gaysanayo dadka tahriibayaasha ah, ayna u dheertahay xabsiyada aadka u nolosha xun ee aan xitaa lahayn wakhti cayiman oo lagu xakumay ayna xabsiyadaasi isaga jiraan wakhti aad udheer.
Xabsiyadaa oo aadan arkayn qoraxda nadaafad xumo iyo cuno yariba ay kajirto.
Taasoo sababtay in dhalinyaro badan oo somaliyed ku waayeen naftoodii kadib markii uu ku dhacay cuduro halis ah, jirdil iyo koronto lagu qabtana ay u dheertahay.

Xoriyad ahaana libya maahan mid ay dhalinyarada soomaaliyeed ay ku noolaan karto, waayo waa wadan shacab iyo xukuumad ahaanba xun oo cunsuri ah sidaas darteed aan lagu dhexnoolaan karin .

Wednesday, April 21, 2010

Bishaaro Bishaaro

Waxaan dhammaan ugu bishaaraynaynaa bulsha weynta soomaaliyeed in aan ugu soo bandhigi doono webkan akhbaaraha caalamka iyo dalkaba,
iyo sidoo kale barnaamijyo idin xiiso gelin doona.

Waad ku mahadsantihiin booqashadiina.

Wixii afkaar ah noogu soodira cinwaan kayaga
xidiga6@gmail.com