dhibaatada tahriibta

Magacaygu waa c/qaadir axmed yuusuf (
shuudaaye)


waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo ku dhashtay
magaalada hargaysa gaar ahaan shiikh yuusuf
shiikh ibraahim shiikh madar, kuna barbaaray ilaa
heer waxbarashana kuqaatay, kadibna waxaan u
dhexeeyey jabuuti heer shaqo.


Aniga oo halkaa kusugnaa ayaa waxa aan go'
aansaday in aan ubaxo safar tahriib wadamada
yurub, aniga oo usii maraya wadamada itobia,
sudan, libya.


Waxa aan usoo kicitimay dhanka itobia halkaas oo
dadka si qarsoodi ah looga tahriibiyo safar lug ah,
gaajo iyo haraad badan maalmo fara badanna
lalugaynayo,
halkaas oo dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ay
kunafwaayeen markii aan khatartaas kasoo
badbaaday, waxaan soo galay gudaha wadanka
sudan gaar ahaan caasimadda khurduum,


maalmo nasniin ah kadib ayaa waxa aan bilaabay
safarkaygii saxaraha u dhexeeya sudan iyo libya
aniga oo kasoo fuulay sudan gaari weyn oo nooca
xamuulka ah aan loogu tala gelin saxare.


Waxa aan gaarigaas kusoo raacnay dad tiradoodu
dhantahay 170 qof oo dusha iska saaran sida
jawaano.
Waxa aanu kusoo jirnay saxaraha mudo dhan 30
casho iyada oo dadka qaarna ayba intaas kaban ku
qaadato,
intii aan saxaraha kuso jirnay waxa dhacday in
biyihii iyo saadkii naga go'aan ayna dadku tabar
dareeyeen halkaasna ku nafbaxeen labo ruux.
Waxa aanu soo gaarnay xadka udhexeeya libya iyo
sudan halkaas oo ay nagu wareejiyeen koox wax
tahriibisa naxariis aan lahayn jirdil iyo silicba
noogu daray, iyaga oo madax furasho nooqabsaday
codsadayna lacag gaaraysa 800$ waxa aan kujiray
dadkii ugu horeeyey ee bixiya aniga oo rajaynaya
in aan si nabada ugu gudbo caasimada libiya (
triboli) waxa dhacaday in ay noo dhiibaan koox
kale oo ayaguna dalbaday 100$ oo madax furasho
ah kuna khasbanaanay in aan bixino anaga oo
naftayada ubaqayna sidaasna kusoo galnay triboli,
aniga oo sii wata safarkii tahriibta markii aan isku
dayay safar bada ahna waxa aan gacanta ugalay
ciidanka boliska ee libya haalkaas oo aan kujiro
xabsi muddo dhan 7 bilood welina aan ogayn
wakhtiga aan kabaxayo dil iyo dhibaatana ay ii
dheertahay.
Xaqiiqdii markii aan soo baxayey waan kusoo talagalay nolol ama geeri, balse kuma soo xisaabtamin dhibaatooyinkan sida xabsiyada, ciqaabta, nolol xumada, madax furashada iyo lacagaha oo lagaa dhacayo.

Hadaba waxaan uga digayaa dhalinyarada reer hargaysa iyo dhammaan soomaalidaba in aysan isku dayin safarkan khatarta leh.