Friday, July 10, 2015

Weerar xoogan oo lagu qaaday Hotelo ku yaala Muqdisho.

Weerarka, ayaa ku bilowday qaraxyo waaweyn oo laga maqlay halkaasi, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool leh oo iminka halkaasi ku dhex maraaya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya Amisom iyo Xoogagii weerarka soo qaaday.
Xoogagaasi, ayaa waxaa lala xiriirinayaa inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab. Weerarkan waxaa lagu sheegay mid si weyn loo soo qorsheeyay. Xoogaga weerarka soo qaaday
“Bambooyin Baabuur Ku jira Ayaa Gudaha Galay, Hotelada la weeraray Waa Wehliya iyo Siyaad. Xarakada Ayaa xoog ku galay, Dagaallo Ayaana Ka dhacay Gudaha Hoteeladaasi,  Sidaasi Waxaa u sheegay ReutersAfhayeenka Howlgalada Militariga All-shabaab Sheikh Abdiasis Abu Muscab.
Maahan Markii Ugu Horeysay Oo All-Shabaab Ay weeraraan Hotello Ku Yaalla Magaaladda Muqdisho, Waxeyna Horay Shabaab Ugu Hanjabeen iney Weeraro Ka fulin Doonaan magaalada Muqdisho Inta lagu guda jirro Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.
La soco faah faahinta,